Wararka

Wasiirro ka tirsan XFS oo ka qeyb galay shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga oo kadhacay Kambala.

Wafdi wasiirro oo ka socda Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda, halkaassi oo ay uga qeyb galayaan shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga, oo uu soo abaabulay Urur Goboleedka IGAD.

Shirkan oo labadii maalin ee hore aay ka qayb galayeen agaasimayaal ka socday Wasaaradaha Arrimahan ay quseeya ee wadamada geeska Afrika oo Soomaaliya ka mid tahay ayaa waxaa maanta oo maalintii sadaxaad ah u gaara ahaa ilaa heer wasiir wadamada geeska afrika ee ku bahoobay Ururka IGAD,iyadoo dhinaca Soomaaliyana ay uga qeybgalayaan Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka XFS Xamse Saciid Xamse iyo wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Khayr.

Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay shirkan madax ka socotay midowga yurub iyo Bankiga Aduunka iyo hay’addaha Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga, iyadoo intii shirkaas socdayna si gaar ah loo soo hadal qaaday qaxootiga Soomaaliya ee jooga dalalka dariska ah sida Kenya.

Wasiirka Gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka Xamse Saciid Xamse oo shirka qudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay u diyaar garowga in ay soo dhawayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkooda kusoo laabanaya iyagoo in muddo ah soo ahaa qaxooti,isagoo intaa ku daray in Dowladda Federaalka ah ay samaysay qorshe cad oo arrinkaas quseeya si muwaadiniinta soo laabanaya ay ula qabsan lahaayeen dalkooda hooyo oo loogu sameyn lahaa deegaan munaasib ah oo ay ku noolaan karaan.

Ugu dambayntii shirkan ayaa waxaa laysku raacay in qaxootiga geeska Afrika helaan xuquuqda uu leeyahay muwaadinka jooga dalkiisa sida in uu shaqayn karo heli karana dhamaan waxyaabaha aasaasiga ah ee bini’aadamka xaqqa u leeyahay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close