Wararka

Puntland oo ka hadashay Kulan galabta lagu waday in uu dhex-maro madaxda Maamul goboleedyada oo dib u dhacay.

Afhayeenka Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland Ayaa sheegay inuu baaqday kulankii udhaxeeyay Beesha caalamka Iyo dowlad goboleedyada sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook.ga.

“Shirkii loo ballansana galabta ee u dhexeeyay Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Beesha Caalamka wuu baaqday kadib markii DFS ay ka joojisay qaar ka mid ah Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah DFS inay Shirka tagaan. ayuu Yiri Afhayeenka Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland

Afhayeenka Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland  Jamac Damrani oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri “Tani waa tillaabo aan wanaagsanayn oo Dowladda wakhtigeedu dhammaaday, ay ku doonayso inay ku carqaladayso wax kasta oo lagu xalinayo caqabadaha hortaagan inuu qabsoomo Shirkii loo balansanaa ee arrimaha doorashada, si dhameystiranna looga wada qeybgalo.”

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close