Wararka

Maxaad kala socotaa Qodobada ay ku heshiiyeen C/janan iyo dowlada federaalka.

Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa duleedka Magaalada Beledxaawo ku soo dhaweeyay wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo ciidan uu sitay.
Wasiirka ayaa Heshiiska ay wada gareen dowlada iyo Cabdirashiid Janan ku tilmaamay mid Taarikh ah waxaa uuna xusay in Janan uu ka tanaasulay go’ankiisa ka dib xaaladaha cakiran ee ka tagan Gobolka Gedo.

“Talaabadaan waa mid ka farxinaysa Qofkasta oo jecel Qarannimada Soomaaliya wuxuuna ka nixinayaa cidlasta oo cadaw ku ah Qarankrenna” ayuu yiri C/raxmaan Dheere.

Dhanka kale qodobada ay ku heshiiyeen dowlada federaalka iyo Cabdirashiid janan ayaa waxaa kamid ahaa;

1. In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland
2. In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.
3 In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya
4. In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay
5. In uusan siyaasadda ka bixi doonin.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close