Wararka

Wasiiru dowlaha waxbarashada “Hadii uusan macalin jiri laheyn horumarka aan maanta aan gaarnay ma gaari laheyn.

Munaasabada maalinta Macalinka Soomaaliyeed ayaa  manta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaana munaasabadda kasoo qayb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda federaalka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir,sanataro ka tirsan aqalka sare ,gudoomiyaha ururka Haweenka qaraanka ,lataliyaal sare oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada,macallimiin iyo marti sharaf kale lagu casumay.

Agaasimaha Hormarintà macalimiinta wasaaradda waxbarashada Axmed Muuse Xoosh oo munaasabada Furay ayaa Hambalyo u diray Macalimiinta Soomaaliyeed Waxa uuna u mahad celiyay macalimiinta Soomaaliyeed ee xiligii burburkii dhiigooda iyo waqtigooda u huray in ay waxbaraaan arday Soomaaliyeed oo duruufo gaar ah ku jiray.

Axmed macalin cumar oo ah sanatar ka tirsan aqalka sare ayaa isana hambalyo u diray macalimiinta Somaaliyeed meel kasta oo ay jogaan, waxa uuna sheegay in macalinka Soomaaliyeed uu yahay iftiinka wadanka.

Wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya ,Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir) ayaa sheegay in maalinta macalinka Soomaliyeed ay tahay maalin weyn islamarkana ka wasaaradda ahaan ay Ahmiyada koobaad siinayaan macalimiinta Soomaaliyeed.

“Maanta waa maalin weyn ,waa maalin Ummadda Soomaaliyeed magac iyo maamuusn u leh waa maalintii macalinka Soomaaliyeed. Waa maalin qofkasta Soomaali ah looga baahanyahay in uu si gaar ah u soo dhaweeyo,waxaan hambalyo u diraya, macalimiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan,Hadii uusan macalin jiri laheyn horumarka aan maanta aan gaarnay ma gaari laheyn.Image may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 9 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close