Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Japan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ee Safiirka cusub ee Japan u qaabilsanaanaya dowlada Federaalka Soomaaliya, Ryoichi Horie.

Wasiir Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Cawad ayaa soo dhaweeyay  Safiirka Japan, isagoo u rajeeyay in uu ka soo baxo howlaha loo igmaday si uu sare ugu qaado xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya labada dal.

Dowladaha Soomaaliya iyo Japan ayaa leh xeriir wanagsan, dhawaan ayayna aheed markii uu madaxweynaha dalka ka qayb galay kulan lagu casuumay waxaa uuna halkaasi kula kulmay madaxda ugu sareeyo dalkaasi Japan.Image may contain: 1 person, standing, suit and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close