Ciyaaraha

Ole Gunnar Solskjaer oo ka quustay ina Man United usoo bixi karto champions kadib bar barahii Chelsea.

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa u muuqda mid iska dhiibay tartanka loogu jiro kaalinta 4-aad ee loogu soo baxaayo tartanka champions league kadib bar barahii eey lagaleen kooxda Chelsea.

Kooxda Chelsea ayaa bar- baro kala tagtay Old Trafford iyaga oo uga mahad celinaya daafaca Marcos Alonso oo dhaliyay goolka kadib khalad uu galay goolhaye David De Gea.

Taas ayaa keentay in ay Man United 3 dhibcoodka dambeeyso kooxda kaalinta 4-aad ee Chelsea xili ay hadheen 2kulan oo kaliya horyaalka premier league halka ay sidoo kale ka dambeeyaan farqiga goolasha.

Solskjaer ayaa yidhi “  marka aad eegto kala saraynta horyaalka way adkaan doontaa in aan u soo baxno champions league  xili ciyaareedka”

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close