Wararka

Muxuu madaxweyne Farmaajo ka yiri kiiska badda ee muranka badan dhaliyay?

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabanayso ka jeediyay Fadhiga Guud ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa soo hadal qaaday kiiska Badda Soomaaliya ee ay muranka galisay Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caddeyay Go’aankiisa iyo kan dowlada Soomaaliya ee ku aadan Dacwadda Badda waxaana uu xusay in Soomaaliya ay ku kalsoontahay Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, islamarkaana marnaba Gorgortan aysan ka geli doonin arrimaha badda,

“Soomaaliya maadaama oo ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda, waxa ka go’an inay ka dhur sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka. Soomaaliya waxay ballanqaadday inay u hoggaansami doonto xukunka kama dambaysta ah ee Maxkamadda iyo inay aqbasho xadka ay Maxkamaddu jaangoyso. Ayuu yiri Madfaxweyne Farmaajo.

Madsaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in  dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin dowlada daris ku ah badweynta Hindiya  waxaa uu sheegay in Kenya ay abaal u hayaan kaas oo ku aadan taageeradii hagar la’aaneed ee ay sannado badan la garab taagnayd shacabka Soomaaliyeed waloow uu hoosta ka xariiqay in muranka labada dowladood uu ku salaysan yahay arrimaha Badda haddii go’aan laga soo saarana ay labada dal ku qanci doonaa.

“Soomaaliya iyo Kenya waa laba waddan oo deris ah isla markaana ku teedsan Xeebta Badweynta Hindiya oo leh xiriir saaxiibtinnimo oo nabdeed. Abaal ayaan Kenya uga haynnaa taageeradii hagar la’aaneed ee ay sannado badan la garab taagnayd shacabka Soomaaliyeed. Walow xiriirkayaga guud uu fiican yahay, haddana xuduuddayada dhanka badda weli lama jaangoyn, taas ayaana sal u ah is-fahanwaaga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah” ayuu yiri madaxweynaha dalka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close