Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Xarumaha Dowladda ee Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray xarumaha Dowladda ee magaalada Boosaaso oo ay kamid yihii saldhigga, taliska Qeybta Booliska gobolka Bari, suuqa iibka kalluunka magaalada iyo dekadda magaalada Boosaaso waxaa uuna halkaasi kula kulmay masuuliyiinta wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasaaradda kalluumaysiga, Maamulka Degmada iyo Gobolka.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Duqa Degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweynuhu uu maanta ku tegey xarumaha Dowladda ee magaalada Boosaaso.

” Maanta oo ah maalin khamis ah Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kormeer rasmi ah ku tagey goobaha dowladda ee ku yaalla magaalada Boosaso, waxaana kormeerkaas Madaxweynuhu ka bilaabay saldhigga bartamaha, maadaama saldhigga dhawaan si casri ah loo dhisay si Madaxweynuhu u fiiriyo qaabka uu bulshada ugu adeegayo”.

“Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tagey taliska Qeybta Booliska gonolka Bari, suuqa iibka kalluunka magaalada iyo dekadda magaalada Boosaaso halkaas wuxuu Madaxweynuhu kula kulmay masuuliyiinta wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasaaradda kalluumaysiga, Maamulka Degmada iyo Gobolka, wuxuu Madaxweynuhu amar rasmi ah ku bixiyey in si deg-deg ah loo soo asteeyo meeshii laga dhisi lahaa marso ay yeelan doonaan kaluumaysatada iyo dadka ukala safraya gobolka Bari dhexdiisa qeybta badda isticmaasha. Ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu kormeerkiisa ku tegey maxjarada xoolaha ee magaalada Boosaaso oo xiligaan xoolo badani ay joogaan iyo Xarunta kaydka Shidaalka ee Oshiyaan” Ayuu yiri Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Image may contain: 5 people, people smilingImage may contain: sky and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standingImage may contain: 8 people, people standingImage may contain: 5 people, people smiling, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close