Wararka

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir oo ka hadlay dacwadda kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

War-saxaafadeed uu soo saaray Musharax Madaxweyne Dr. Cabdinaasir Cabdille Maxamed ayuu ku muujiyay sida uu u garab taagan yahay qareennada difaacaya xuduud-badeedka qarankeenna isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqay in ay arab istaagaan oo taageeraan qareennada difaacaya baddeenna.

“Shacabka Soomaaliyeed waa in ay marwalba feejignaan badan muujiyaan arrinta kiiska badda iyo inay taageero buuxda siiyaan qareennada difaacaya qaddiyaddeenna si loo xaqiijiyo guusha Soomaaliya” Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Musharax Madaxweyne Dr. Cabdinaasir Cabdille Maxamed.

Sidoo kale Musharax Madaxweyne Dr. Cabdinaasir Cabdille Maxamed ayaa qareennada difaacaya baddeena waxaa uu ku booriyay in ay mar walbo shacabka Soomaaliyeed ka Xaqab-tiraan Hadba meesha ay marayso Kiiska Badda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close