Wararka

Madaxweyne Lafta-gareen oo kulan la qaatay hay’addaha amaanka gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta shir guddoomiyay kulan uu la yeeshay hay’addaha amaanka Gobolka Bakool waxaana kulankooda diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa ammaanka degmooyinka gobolka Bakool.

Kulanka maanta waxaa goob-joog ka ahaa wasiir ku xigeenka ammniga kg, taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad, taliya ciidanka darawishta kg, saraakiil ka socotay ciidanka AMISOM,waxaana kulanka intii uu socday looga dooday sidii loo xasalin lahaa deeganada Koonfur Galbeed iyo sidii deegana cusub gacanta loogu dhigi lahaa.

Sidoo  kale waxaa kulanka intii uu socday warbixino ku aadan ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad guutada 9aad looga dhegeystay taliyaha guutada waxana uu shegey in ciidanka badankood ay qaadan howlagalo lagu xaqiijiyo amniga.

Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, people sitting, table, child and outdoorImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting, people eating, table, food and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close