Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Dalka Dib Ugu Soolaaabtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro uu ku tagay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nayroobi.

Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Intaa Ka dib Gaaray  magaalada Nayroobi halkaas oo ay kula kulmeen Madaxwaynaha kenya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wada hadallo ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya,iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close