Ciyaaraha

Man United oo lacago ku soojiidaneeyso Deligt

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in xidiga Ajax ee Matthijs De Ligt uu aad ugu sii dhawaanayo in uu ku biro kooxda Man United.

Kooxaha ugu weyn Yurub ayaa si weyn u baadi goobaya saxiixa deligt waxaana ka mid ah Barcelona, City iyo Man United balse haatan waxa uu  u muuqdaa in baacsigiisa ay ku horeeyso Man United.

Wargayska mirror ayaa sheegaya in Matthijs De ligt uu agolaanayo in uu u wareego Man United ka dib markii kooxdaas ay bandhigeen mushaar aad u sareeya.

Man united ayaa la xusayaa in laacibka hor dhigeen mushaar todobaadkii gaaraya 350kun oo gini ah waana mid in badan ka sareeya kan uu ka helayo Barcelona.

Kabtanka Ajax ayaa la xusayaa in uu ku qancayo mushaaraadkaas oo sandadkii gaaraya 17milyan oo Gini ah waxaana la sheegayaa in sababta kale ee caawineysa Man United ay tahay in wakiilka laacibka uu yahay kan Pogba Keenay Man United.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close