Wararka

Madaxweyne Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada  Garoowe ee caasimada Puntland ku qaabilay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender.

Madaxweyne Deni waxaa kulanka ku wehlinaayay  Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdiweli Cali Timacade iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka uu manta  la qaatay safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya.

”Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqdey wafti uu hogaaminayo safiirka dalka UK oo ah dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, kana soo qayb-qaatay horumarka iyo dedaalada loogu jiro dib u kabashada Soomaaliya”.

“Mashaariic badan oo wax ku ool u ah Puntland ayay hirgeliyeen, qaarkoodna wadaan, waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta halkan ku yeelanay kulan, kaas oo aan uga hadalnay dhinacyada siyaasadda, Amniga iyo horumarinta intaba, waxay ahaayeen waxyaabo wax ku ool ah, dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay sidii loo anba qaadi lahaa marxaladda soo socota, waxay kamid ahaayeen arrimahaasi wixii aan kawada hadalnay”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Safiirka UK ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhoweynta heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Puntland isagoo sheegay in Madaxweynaha Puntland ay ka wada-hadleen siyaasadda guud ee Soomaaliya, mashaariicda UK ka fuliso Puntland, sida Caafimaadka, daweynta Xoolaha, hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga.Image may contain: 2 people, people smiling, people sittingImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and suitImage may contain: 1 person, smiling, sitting and suitImage may contain: 4 people, people sitting, living room and indoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close