Wararka

Madaxweyne farmaajo oo kulan la qaatay dhigiisa dalak Jabuuti.

Madaxweynaha dowlada  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah shalay galankii danbe ugu ambabaxay dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay dhigiisa dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ay labadaan masuul kawada hadleen arrimaha gobolka xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga labada dowladood waxaana kulanka ka warbixiyay  Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan.

Sidoo kale waxaa dhankiisa kulanka ka hadklay wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti waxaa uuna sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaala ah oo aan iska maarmeenin marka laga hadlaayo arrimaha masiiriga ah  isagoo  u hambalyeeyay madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Mohamed C/llahi farmaajo.

Dowlada Jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidamada iyo sugidda qar kamid ah gobolada dalka iyagoo lagu xasuusta doorkii ay ka qaateen isku-keenidii siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee shirkii Carto sanadkii 2000.Image may contain: 1 person, standingImage may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people smiling, people sittingImage may contain: 4 people, people sitting and suitImage may contain: 3 people, people sitting and suitImage may contain: people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close