Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo goor dhaw u ambabaxay dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxay dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu kaga qeb galayo Caleema-saarka Madaxweynaha la doortay ee dalkaas Cyril Ramaphosa.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhaw ka ambabaxay dalka isagoo ku wajahan dalka dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha ayaa Koonfur Afrika kaga kaga qeb galayo Caleema-saarka Madaxweynaha la doortay ee dalkaas Cyril Ramaphosa sida uu ku warbaahinta ugu  warbixiyay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Abdinur Mohamed Ahmed.

Safarka madaxweynaha dalka waxaa ku wehlinaayo wasiirka arrimaha dibadda iyo sikaashiga caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Inta uu madaxweynaha ku sugan yahay dalka Koonfur Afrika waxaa uu kulama gaar-gaar ah layeelan doonaa madaxda kasoo qayb galayso caleema saarka madaxweynah dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close