Wararka

Madaxweyne Deni oo hagax dhigay wejiga labaad ee Mashruuca dhismaha wadooyinka Nabadda ee Galkacyo.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhagax dhigay wejiga labaad ee Mashruuca dhismaha wadooyinka Nabadda ee isku xira Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida Masuuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ay uga wada shaqeeyeen hirgelinta wadooyinkan laamiga ah ee isku xiraya labada dhinac ee magaaladda, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyay Hay’adda SSF (Somali Stability Fund) ee fadhigeedu yahay Puntland oo kala shaqeysay mashruucan Dowladdaha Hoose ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug.

Dhagax dhiga wejiga labaad ee Wadooyinka Nabadda Gaalkacyo, oo maanta ka dhacay Jidka 30ka ee isku xira xaafadaha Wadajir iyo Garsoor, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wafdi ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Axmed Macalim Fiqi, Goleyaasha Dowladda Puntland ee ku sugan Gaalkacyo, Guddoomiyeyaasha degmada ee Puntland iyo Galmudug, Saraakiisha Ciidamada ee labada dhinac iyo Madaxda Shirkadaha Kabero iyo Alxayaad oo iyagu fulinaya dhismaha.Image may contain: 1 person, sunglasses and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, sky, cloud and outdoorImage may contain: outdoorImage may contain: 7 people, people standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close