Wararka

Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay maxaabiis garayso Laba Boqol Sagaal iyo Toddobaatan maxbuus.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-697/072021, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somaliland.

Maxaabista Cafis Guud loo fidiyay oo ku xukunaa dembiyada fudud ayaa waxaa ay tiradoodu dhan tahay 279 (Laba Boqol Sagaal iyo Toddobaatan) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close