Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay qaybaha Bulshada ee ku nool deegaanka Buulogaduud.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalinkii labaad booqasho kula jooga Ciidamada ku sugan deeganada Baarsanguuni iyo Buulogaduud ayaa waxaa uu khudbad u jeediyay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga dalka isagoo kula dar-daarmay in ay markasta foojignaan muujiyaan.

Dhankale madaxweynaha Jubbaland ayaa la kulmay qaybaha Bulshada ee ku nool deegaanka Buulogaduud ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa dadkan ka dhagaystay baahiyaha ay qabaan waxaana uu faray Hay’adaha kala duwan ee Dowlada in ay adeegyada gaarsiiyaan meelaha ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga kala wareegeen  Al-Shabaab.Image may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, sitting and outdoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 5 people, outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close