Wararka

Howlgal lagu soo qabtay sargaal katirsanaa Al-shabab

Howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxay kusoo qabteen xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada wada jirka ah ayaa Gacanta kusoo dhigay,  Ibraahim Lujende Maxamed, oo ka mid ahaa Koox ilaalo u ahayd Argagixisada oo ku dhuumaaleysanaysay degaanno ku dhow Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.

Ibraahim Lujende, ayaa sheegay in muddo 10 Sano ah uu u xirnaa Al-Shabaab laguna qasbay shaqada jaajuusnimada iyo xog uruurinta ah ee uu u hayay kooxda Argagixisada ah.

Cabdi xukun, oo ka tirsan Saraakiisha qaybta 43-aad ee Ciidanka xoogga Dalka ayaa sheegay in Ninkani uu ka mid ahaa koox Afar ah, Laba ka mid ihina ay Hubeysnaayeen, kuwaas oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa Uruuurinta xogaha, balse Saddexdii kale ay ka baxsadeen kuna raad joogaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in , Ibraahim Lujende, uu ka qeyb qaatay weerarkii ay Al-Shabaab 2015-kii ku qaadeen Saldhig Ciidan oo ay Ciidamada Amisom ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Cabdi xukun , ayaa Dhallinyarada la qalday ee fekerrada gurracan lagu shubay kula dardaarmay in ay kasoo noqdaan, wuxuuna intaa raaciyay in ay ka Dowlad ahaan soo dhaweynayaan, si wanaagsanna ula dhaqmi doonaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close