Wararka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo safarkiisi ugu horeeyay ku tagay dalka Afghanistan.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa safar layaab leh oo mahadcelin ah ugu tagay ciidamada Maraykanka ee kusugan dalka  Afghanistan waxaa uuna ku dhawaaqay wadahadal nabadeed oo la kala dhex dhigo dowlada Afghanistan iyo  kooxda Taliban.

Waa safarkiisi ugu horeeyay ee uu ku tagaayo dalka Afghanistan iyo sidoo kale booqashadii labaad ee uu ugu tagaayo ciidamada Maraykanka ee kusugan dalalka kale kadib dawayaaqadii sanadkaan oo uu safar ugu tagay ciidamada Maraykanka ee kusugan dalka Iraq.

Kudhawaad 12,000 oo askari ayaa dalka Maraykanka ka jooga dalka Afghanistan kuwaas oo lageeyay Afghanistan 11-kii September 2001-dii kadib weerarkii argagaxnimo ee lagu qaaday daarihii cad-caddaa ee Maraykanka oo ay ku nafwaayeen ku dhawaad 2,300 oo muwaadiniin American ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close