Wararka

Madaxa Xukumadda Galmudug oo ka qayb galay Xaflad lagu xoojinayay isdhexgalka Bulshada Dagmooyinka Balambal iyo Guriceel.

Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Dagmada Guriceel uga qeybgalay Xaflad lagu xoojinayay isdhexgalka Bulshada Dagmooyinka Balambal iyo Guriceel sidoo kale waxaa Munaasabada kasoo qqaybgalay Xildhibaano ka kala tirsan Aqalka sare iyo kan hoose Barlamanka Soomaaliya Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo qeybaha kala duwan bulshada Balambal iyo Guriceel.

Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo Bulshada labada dhinac ku amaanay juhdigii ay galiyeen sidii loo damin lahaay Colaada mudada kataagneed Deegaano hoos yimaada Dagmada Balambal ee Gobalka Galgaduud.

Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukumadda Galmudug ayaa isbuucyo kahor faray Saraakiisha amaanka in xal nabadeed ka keenaan Colaada mudada kataagneed Deegaanada hoos yimaada Dagmada Balambal, waxaana saraakiisha Ciidamada qalabka sida ay guuleysteen in Colaada halkaa jirtay ay hakiyaan Hishiisna ay dhaxdhigeen Beelaha walaalaha ee Colaadu ka dhex taagneed.Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and indoorImage may contain: 11 people, people sittingImage may contain: 5 people, people smiling, people sittingImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 1 personImage may contain: 10 people, people sitting and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close