Wararka

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Dadaalo xoogan uga jira ka hortaga fatahaada wabiga Shabeele.

Godoomiyaha Gobolka hiiraan Cali jeyte cismaan oo ka warbixinayey shaqooyinkii uga dambeeyey ee xalay ay ka qabteen wabiga ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay xakameeyaan wabiga Shabeele, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in sanadkaan ay Beledweyne ka bad baadiyaan fatahaada.

Sidoo kale Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay kaalin wanaagsan ka qaadanayso shaqooyinka lagu xakameynayo fatahaada wabiga Shabeele Balse aysan ku filneyn ilaa haatan inta soo gaartay.

Qaar kamid ah howl-wadeenadii ka shaqeynaayay xakameeynta fatahaadaha uu gaysanaayo wabiga Shabeelle oo dhankooda ka hadlay ayaa sheegay in ay mudneed in ay howsha bilaabaan 10 cisho ka hor balse dib u dhac ku yimid ay hadda sabab u tahay fatahada uu wado wabiga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close