Wararka

Kudhawaad 57-ruux oo ku dhimatay gaari shidaal siday oo qarxay.

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska Tanzania, kudhawaad 57-ruux ayaa ku dhintay qarax ka dhashay gaari siday shidaal.

Qaraxaan ayaa maanta ka dhacay Magaalada Morogoro oo 200KM dhanka waqooyi kaga began Caasimada dalkaas ee Dar es Salaam waxaana dadka dhintay badankood lagu sheegay in ay ahaayeen dad iskuugu yimid gaariga shidaalka siday ee guddoomay kuwaas oo watay  caagag ay rabeen in ay ugu faa’iidaystaan shidaalka balse ay ku haligmeen.

Markii uu gaariga shidaalka qarxay ayaa waxaa ka dhashay dab aad u xoogan oo xawaare sare ku socday oo xakamayntiisu adkeed sida uu ruux goob jooga ah u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Sidoo kale goob joogahaas oo lagu magacaabo ,Daniel Ngogo ayaa sheegay in uu indhihiisa ku arkay dad gaaraayo 70 ruux in laasoo badbaadiyay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close