CiyaarahaWararka

Kooxda Arsenal oo si hor-dhac ah u xaqiijisay saxiixa Tababaraha cusub ee Naadiga.

Kooxda Arsenal ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay arrimaha la xeriira saxiixa Mikel Arteta oo ay sheegtay in caawo si rasmi ah loo shaacin doona.

Naadiga Arsenal ayaa sheegtay in ay heshiis la gaartay Mikel Arteta oo horay kooxda ugu soo ciraayay muddana ahaa kabtanka kooxda.

Mikel Arteta ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu noqda hoggaamiyaha Arsenal isagoo Kooxda ku tilmaamay in ay kamid tahay naadiyada ugu caansan dunida.

Taageerayaasha kooxda Arsenal ayuu Arteta u laab qaboojiyay isagoo hoosta ka xariiqay in naadiga uu ku caawin doona xirfadiisa wakhtigiisana uu wada galin doona.

Sidoo kale Tababaraha cusub ee Arsenal Mikel Arteta ayaa cayaartoyda yar yar ee dhigta Akadhamiyada Arsenal u muujiyay fursada ay kusoo bandhigi doonaan xirfadooda isagoo balan qaaday in uu soo celin doona heer kii ay kooxda Arsenal ka joogtay dunida inteeda kale.
Mikel Arteta ayaa intii uu u ciyaaraayay naadiga Arsenal waxaa uu kasoo muuqday 150 cayaarood, isagookusoo bilawday 131 ciyaarood, 16 gool ayuu dhaliyay intii uu ku sugnaa naadiga Arsenal, sidoo kale 8 caawin ayuu sameeyay waxaa uuna ugu danbayn kooxda la qaaday 2 kaab oo FA cups ah.

Cayaaryahankii hore ee Arsenal sidoo kalena kabtanka kasoo noqday naadiga ayaa saxiixay heshiis seddex sanno iyo bar ah waxaana laga sugayaa in uu sare u qaado xirfada iyo habka weerarka kooxda Arsenal oo ay taageerayaasha saluug badan ka qabaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close