Wararka

Kiisaska Coronavirus ee dalka Brazil oo gaaray hal milyan.

Brazil ayaa noqotay dalkii labaad oo xaqiijiyay in kabadan hal malyan kiis oo covid-19 ah, iyadoo caabuqa dalkaasi uu wali ku sii faafayo.

In kabadan 54,000 oo kiisas cusub ayaa wasaarada caafimaadka ee Brazil ay sheegtay in ay diiwaan geliyay 24 saac ee lasoo dhaafay .

Intaasi waxaa u dheer, ku dhawaad 1,200 oo qof ayaa u dhintay covid-19 gudaha Brazil afar maalin gudahood, taassoo ka dhigeysa wadarta guud ee dhimashada dalkaasi 49, 000.

Tirada cusub oo lasoo bandhigay sacado un kadib markii Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO ay ka digtay xanuunka safmarka ah ee coronavirus in uu galayay ” waji cusub oo halis ah ” .

Qubarada caafimaadka bulshada ayaa ka digtay qafiifinta xayiraadaha inaan lagu deg-degin si xanuunka safmarka ah ee coronavirus uusan u soo laba kacleeynin islamarkaana u horseedin dhimasho kale.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close