Wararka

Seddex askari oo Pakistani ah oo aas qaran loogu sameeyay gobolka Kashmir dhanka Pakistan.

Aas-qaran ayaa maanta loo sameeyay seddex askari oo ka tirsanaa ciidamada Pakistan kuwaas lagu dilay xaduudka Pakistan ee Gobolka Kashmir dhanka ay xukunta waxaana ka qayb galay shacab iyo askar aad u dira badan.

Xafladaan lagu maamuusaayay seddexdaas askari ayaa ka dhacday goroon ay ciidamada Pakistan ku leeyihiin Muzaffarabad oo ka tirsan gobolka Kashmir dhanka ay xukunta dowlada Pakistan.

Dowlada Pakistan ayaa khamiistii sheegtay in seddexdaas askari ay kaga dhinteen isku dhec dhexmaray ciidamada Pakistan ee kusugan Barta looyaqaano Line of Control (LoC), iyo kuwa Hindiya.

Sargaal u hadlay ciidamada Pakistaan ayaa sheegay in dagaalkaas ay dowlada Hindiya kaga dileen Shan askari balse waxaa sheegashadaas laashay dowlada Hindiya oo iyada wargaas ku tilmaamtay mid been abuur ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close