Wararka

Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo maanta soo idlaaday.

Maanta waxaa qayba kamida Gobolada dalka lagu soo afmeeray Imtixaanki shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka kaas oo soo bilawday 27-kii Bishaan.

In ka badan 31 Kun oo Arday oo u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ayaa farxad uu ugu soo dhamaadaay imtixaanka.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta soo xiray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare oo ay qaadaysay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Fedearaalka Soomaaliya.

Ra,iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu wehlinayo wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tagay goobaha ay ardaydy imtixaanka ku galayeen waxaana kamid ahaa xarumahaas xarunta Gaher ee Jamacada Umadda isagoo mid mid u dul istaagay ardaydii u fadhiday imtixaanka.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Faderaalka Soomaali Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ardayda ay marwalbo u diyaarsan yihiin in ay waxbartaan.

“Ardaydu waxa ay soo bandhigeen aqoon, karti iyo waaya-aragnimo, taas oo ka dhigan in ay soo bandhigeen guusha imtixaanka ay galeen”, ayuu yiri wasiir Godax Barre.

Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee ay qadaysay wasdaaradda waxbarashada waxaa qayb ka ahaa arday indhoola ah kuwaas oo ay u suurta gashay in ay imtixaanka ka qayb qaataan.

Image may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: 2 people, people smiling, suitImage may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 3 people, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close