Ciyaaraha

Harry kane oo rigoor dhigay kulankii Arsenal.

Kooxaha Arsenal  iyo Tottenham ayaa ku kala baxay bar-baro kulanka tirsanaa todobaadkii 4-aad ee horyaalka Premier league kulanka dhacay garoonka Emirates ee ay Arsenal ku ciyaarto. kooxdaTottenham waxaa goolasha u dhaliyay  xidigaha Christian Eriksen iyo Harry kane halka ay Arsenal goolasha u dhaliyeen xidigaha Alexandre lacazette iyo Pierre Emerick Aubameyang.

Xidiga reer England ee Harry kane ayaa rigoor ka dhigay kulanka kadib markii kooxda Tottenham rigoore loo dhigay qaybtii hore ee ciyaarta kadib rigooradaas uu Harry kane dhaliyay kulanka ay wada ciyaareen kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa rigoor ka dhigay horyaalka premier league.

Goolkii uu Harry kane dhaliyay ayaa noqotay midi 19-aad ee laga dhaliyay kulamada Arsenal iyo Tottenham ee horyaalka Premier League waana kulanka rigoorada ugu badan laga dhaliyay taariikhda Premier league. kooxaha dariska ah ayaa loolan weyn u dhaxeeyaa taas oo ka dhigtay kulanka la dhigo rigoorada ugu badan kulamada  dhax mara labada koox ee Arsenal iyo Spurs.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close