Wararka

Guddoomiye Mursal oo shir kaga qayb galaayo dalka Koonfur Afrika.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa maanta Gaaray Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay dalka Koonfur Afrika kaga qayb gali doonaan shirka Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona.

Wafdiga waxaa caasimada  Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika kusoo dhaweeyay Safiirka dowlada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Amb. Jamaal Maxamed Barrow.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha kale ee Safaaradda soo dhoweyntooda diiran,isagoona dhanka kale sheegay in ujeedka ay u soo gaareen Koonfur Afrika ay tahay iney ka qeyb galaan shirka guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka dhici doona dalkaasi,socon doonna 6 ilaa iyo todobada bishan.

Ajandaha kulanka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ee sanadkaan ayaa ah arrimaha Qaxootiga Afrika iyadoo diirada lagu saaro doona arrimaga Qaxootiga Afrika kuwaas oo barakacyaal ku ah kudaha qaarada Africa iyo calamka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close