Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo nkulan la qaatay masuuliyiin ka kala socday hay’addaha UNDP iyo UNSOM.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda UNDP iyo UNSOM.

Guddoomiye Mursal ayaa ugu horeyn la kulmay wakiilka hay’adda UNDP ee Soomaaliya Jocelyn Mason iyo madaxa arrimaha doorashooyinka ee hay’adda UNDP Mary Cummins Sidoo kale guddoomiyaha ayaa la kulmay sii hayaha madaxa xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) H.E. Raisedon Zenenga.

Guddoomiyaha iyo mas’uuliyiintii uu la kulmay ayaa waxay kwada hadleen shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka Qaranka, xoojinta wada shaqeynta dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe sidoo kale guddoomiyaha ayaa mas’uuliyiinta kala hadlay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya, taageerada dhaqaale iyo mid nabadgalyo.

Masuuliyiintan ka kala socday hay’addaha UNDP iyo UNSOM ayaa guddoomiyaha golaha shacabka la wadaagay barnaamijyada hormarineed oo ay ka wadaan guud ahaan dalka.Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, suitImage may contain: 3 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close