Wararka

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya oo kulan la qaatay dabjireyaasha dowladaha Ingiriska iyo Talyaniga.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Raisedon Zenenga iyo Danjireyaasha dalalka Ingiriiska Ben Fender iyo Talyaaniga Carlo Campanile.
Kulankan oo ay ka qeyb galeen qaar kamid ah Lataliyaasha Madaxweynaha ayaa laga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo mideynta dadaallada wax loogu qabanaayo dhisidda dowladnimada iyo dib u dhiska dalka.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Danjireyaasha dadaallada Dowladda ee ku aadan kobcinta dhaqaalaha, amniga iyo dib u heshiisiinta, Waxa uuna tilmaamay in ay muhiimtahay in lagu gacan siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku xeeran.

Ku Xigenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa uga warbxiyey Agaasimaha Madaxtooyada doorka ay ku leeyihiin taageeridda iyo hirgelinta barnaamijyada bani’aadamnimada, mashaariicda iyo adeegga horumarineed ee ay gacanta ka geysanayaan.

Dhankooda, Danjireyaashu ayaa uga mahad celiyeen Agaasinka Madaxtooyada soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay ugu suurta galiniyaan in ay waajibkooda gitaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close