Wararka

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

Qolaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kulankii 35aad ee Kalfadhiga 6aad iyadoo uu ajandaha ahaa, Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal.

Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Guddomiyaha Guddiga Ku-Meel Gaar Ka ah ee Ka- Baraandegista Hindise-Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal waxaana Ogaalada 27 Senatar, Waxaa diiday 6 iyadoo aysan Cidna ka amuusin.Image may contain: 3 people, people standing and indoorImage may contain: 6 people, people sitting and childImage may contain: 5 peopleImage may contain: 7 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close