Wararka

(Faahfahin): Sababta uu maanta dib ugu dhacay shirka lagu waday in uu ka furmo Dhusa-mareeb.

Iyadoo maanta loo balansanaa shir weynaha dib-u-heshiisiinta beelaha wada dago maamulka Galmudug ayaa waxaa ku yimid dib u dhac sida ay sheegeen masuuliyiinta qaban qaabada Shirkaasi.

Guddiga shirweynaha dib-u- heshiisiinta Galmudug ayaa sheegay in maanta uusan suurta galin shirkii lagu balansanaa in uu qabsooma sababna ay ugu dhigeen cilid farsamo awgood.

Sidoo kale guddig ayaa sheegay in uu shirkaasi bari ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close