Wararka

DEG DEG: DOWLADA RWANDA OO SHAACISAY IN DALKAASI SOO GAARAY CABUQA kORONA.

Dowlada Rwanda ayaa xaqiijisay kiis kii ugu horeeyay ee caabuqa coronavirus-ka kadib markii ruux kasoo jeeda dalka Hindiya laga helay xanuunkaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ee Rwanda ayaa lagu sheegay in shaqsigaan uu kasoo socdaalay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya uuna Rwanda soo gaaray 8-dii bishaan Maarso.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in ruuxaasi uusan soo muujin calaamadaha caabuqa Covid-19-ka balse 13-kii bishaan uu si iskiis ah ku soo booqday mid kamid ah xarumaha caafimaadka dalkaasi halkaas oo kadib baaritaano lagu sameeyay laga helay coronavirus.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in bukaankaan ay hadda xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanagsan baaritaanana lagu haayo dhamaan dadkii uu la kulmay.

kiis kaan ayaa Rwanda ka dhigaayo dalkii labaad ee kamid ah dalalka bariga Africa ee xaqiijiyay cabuqaan kadib markii ay dowlada Kenya ku dhawaaqday in dalkaasi uu soo gaaray xanuunka coronavirus-ka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close