Wararka

Duqa caasimada Muqdisho oo kulan la qaatay safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

Kulankani ayaa inta uu socday waxaa ay labadha dhinac kaga wada hadleen sidii dowlada Talyaaniga ay u xoojin laheyd taageerada mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyadoo kulankani ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka boliiska Soomaaliyeed sareeya guuto Saadaq Cumar Xasan.

Safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi oo ka hadlay kulanka ka dib ayaa sheegay in dowlada Talyaaniga ay ka go’antahay taageerida Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa faah faahiyay waxyaabihii ay kawada hadleen  isaga iyo safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya.Image may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 5 peopleImage may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 6 people

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close