Wararka

Booliska dalka Bangladesh oo dad badan usoo xirxiray dil loo gaystay gabadh 19

Booliska dalka Bangladesh ayaa soo xir-xiray 16 ruux oo lalaxiriirinaayo in ay ku lugleeyihiin dil loo gaystay gabar 19-sanno jir ah oo layirahdo Nusrat Jahan Rafi, oo uu kufsi u gaystay maamulaha Iskool ay dhigan jirtay oo ku yaalay magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh.

Sida ay sheegeen Booliska dalka Bangladesh Nusrat Jahan Rafi oo ah gabadha dilka loo gaystay ayaa waxaa lagu bilbilay gaas waxaana laqabsiiyay dab kadib amar ay ka diiday koox u soo jeedisay in ay ka laabata dacwad ay ka soo gudbisay maamulaha Iskoolka ay dhigan jirtay oo la yirahdo Siraj Ud Doula .

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in dadkii dilay Nusrat Jahan Rafi, ay sameeyeen ficil muujin karo in ay ayada isdishay balse aysan taasi guulaysan oo gabadha ayaa  dhimatay ayadoo rabtay in ay warbixin siiso Booliska 10-kii bishii April.

Dilkii loogaystay Rafi waxaa ay kicisay dareenka dadka ku dhaqan dalka Bangladesh, waxaana jiray banaanbaxyo ay dhigayeen haweenka ku nool dalkaas iyagoo cadaalad u dalbanaayay Nusrat Jahan.

Ra’iisal wasaaraha dalka  Bangladesh Sheikh Hasina ayaa wacad ku maray in ficil laga qaadi doona ruux kasta oo ku lug lahaa dilkii loo gaystay Nusrat.

Dadka ilaa hadda loo soo qabqabtay dilka gabadha waxaa la shaaciyay in ay kamid yihiin laba gabar oo ay iskun fasal ahaayeen Nusrat Jahan.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close