Wararka

Donald Trump oo booqashadiisi ugu horeysay ugu baxaayo Hindiya.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa booqashadiisi ugu horeysay oo rasmi ah ku tagi doona dalka Hindiya maalinimada Isniinta ee ku beegan 24-ka bisha February 2020-ka.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Ahmedabad  oo ah magaalada uu ku dhashay ra’iisal wasaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa laga dareemayaa soo dhaweynta madaxweyne Trump iyo u diyaar garowgiisa waxaana lagu wadaa in uu kumanaan shacab reer Hindi ah kula hadli doona garoonka lagu dheela cayaarta Kirikeedka ee ugu weyn calamka.

Masuuliyiinta dalka Hindiya ayaa shaaciyay in munaasabada soo dhaweynta madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay kasoo qayb gali doonaan in ka badan 6 ilaa 10 Million oo ruux.

Booqashada Madaxweyne Trump ayaa kusoo aadeyso iyadoo ay caasimada dalkaasi ee New Delhi ka socota dibad baxyo looga soo hor jeeda sharciyada dhalashada iyo waliba shaqaaqooyin ka dhasha gobolka uu muranka badan ka Jiro ee Kashmir.

Balse madaxweynaha Maraykanka ayay u dhawdahay in uu ka gaabsan doona arrimaha la xeriira muranka Hindiya kala dhaxeeya dariskooda Bakistan oo isku haysto maamulida gobolka Kashmir oo ay muslimiin badan ku nool yihiin.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close