Ciyaaraha

Golhaye Courtois oo kubiiray liiska dhaawacyada Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa si lama filaan ah u xaqiijisay dhaawac soo gaadhay goolhayeheeda Thibaut Courtois kaas oo noqday xidigii 5-aad ee ka dhaawacma ka hor bilaabashada xili ciyaareedka cusub kooxda. Real ayaa xaqiijisay in uu Thibaut Courtois soo gaadhay dhaawac barar ah oo kaga yimid karaankurta lugta Bidix xili wararka ayaa sheegaya in uu xidigu dhaawac ka soo gaadhay tababarkii ugu dambeeyay ee ka hor inta ayna kooxdu ka qayb qaadan tartanka Audi ee ay maanta kaga hor tagi doonto kooxda Bayern munich.

Idaacada Radio Online ayaa sheegaysa in uu Goolhayuhu dhaawacmay kadib Tartan ay kubada ku galeen weeraryahanka Mariano Diaz iyada oo dhaawacu u muuqday mid halis ah bilowgii.Idaacada ayaa sheegaysa in goolhaye Thibaut Courtois la filayo in uu garoomada ka maqnaado muddo u dhexaysay 3ilaa 4todobaad isaga oo u baahan in uu maro qaliin.

Dhaawacan ayaa ah midkii 5-aad ee kooxda Real Madrid soo gaadha ka hor bilaabashada xili ciyaareedka cusub iyaga oo ay horay uga dhaawacmeen xidigaha Ibrahim Diaz ,luka jovic Asensio & Daafaca cusub ee Mendy.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close