Wararka

Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka koofur Afrika oo la kulmay Ganacsatada ku dhaqan koofur Afrika

Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka koofur Afrika Jamaal Maxamed Barrow ayaa Magaalada Cape town kula Kulmay Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Koofur Afrika, kuwaasi oo goobahoodi ganacsi dhac  iyo Boob ay u geysteen dadka ku nool Xaafadaha Nomzamo iyo Lwanda  oo ku yaala Tuulada Strand oo ka mid ah Magaalada Cape town.

Safiirka ayaa Booqday goobihii Ganacsi ee Soomaalida Strand lagaga boobay, waxuuna  warbixinno arinkaan la xariira uu kaga dhegeystay Ganacsatada Soomaalida.

safiirka ayaa ka ballan qaaday Ganacsatada uu lakulmay in uu cabashadooda u  gudbin doono Dowladda Soomaaliya, si ay Dowladda Koofur Afrika ugala hadasho dhacdooyinkaasi soo noq-noqday ee jinsi naceybka ku salysan, inta badannna lagu barakiciyo dadka ajaanibta ahi.

Ugu dambeyn Barrow ayaa muwadiniinta Soomaalida ee ku nooldalkaasi ugu baaqay in ay ka Foojignaadaan xilliyada ganacsigooda boobka loo geysananyo fal dambiyeedyo laga yaabo in ay xaaladda uga sii daraan.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close