Wararka

Dab ka kacay warshad Gawaarida lagu dhaqo oo ku taallo dalka Ingiriiska.

Dab ka kacay warshad gawaarida lagu dhaqo oo ku taalla magaalada Peterborough ee dalka Ingiriiska ayaa dhalisay qasaaro aad u badan waxaana warshadaas xiligii uu dabka ka kacaayay ku baakin garaysnaa ku dhawaad 110 gawaarida xamuulka ah.

Dhawaqa ka baxay dabka qabsaday gawaaridaasi xamuulka ah ayaa laga maqlay miil intaas oo mile u jirta warshada  waxaana jiray kudhawaad 50 dabdamiska dalka Ingiriiska oo warshadaasi gaaray kuwaas oo isku dayaayay in ay damiyaan dabkaas.

Sida ay  xaqiijiyeen masuuliyiin u hadlay shirkada Whirlpool oo ah shirkada leh warshadaasi lagu dhaqo gawaarida, 52 gawaarida nooca xamuulka qaado ayaa waxyeela kasoo gaartay dabkaasi waxaa ayna raali galin kabixiyeen dhacdadaan.

Illaa iyo hadda lama xaqiijin sababta rasmiga ah ee ka danbeysay in uu dabkaasi kaco balse waxaa socota baaritaano ay wadaan saraakiisha ciidanka ee magaalada Peterborough.

Around 50 firefighters are working to bring the blaze under controlSmoke could be seen billowing into the sky after the fire broke out in Peterborough. Pic: Terry Harris A fire tore through lorry trailers at a washing machine factory in Peterborough

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close