Wararka

Cumar Filish “Waxaan hortiina ka balan qaadiyaa in intii karaan kayna ah xooga saari doona amniga”

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday xarunta aqalka D/Hoose, si rasmiya xilka uga la wareegay Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda; Ibrahim Cumar Mahad-Alle.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim dheere ayaa uga horeyn ka hadlay shaqooyinka horyaala Godoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda sida uu ugu aaminay masuuliyadda culus iyo kalsoonida uu siiyey, waxuna sheegay in isbadel dhinacyo badan leh uu maamulkiisu ka sameyn doono Caasimadda.

Duqa cusub ayaa ballanqaaday in uu xoogga saarayo ka shaqaynta iyo xoojinta arrimaha mudnaanta leh ee ay ugu horrayso sugidda amniga Caasimadda Muqdisho, caddaaladda iyo weliba la imaansho qorshe amni oo gobol, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha amniga qaranka.

“Waxaan hortiina ka balan qaadiyaa in intii karaan kayna ah xooga saari doona amnigu in uu noqdo shaqa maalmeedkeena ugu muhiimsan ee maamulkayna kala shaqeyn doona laamaha amnigu” ayuu yiri Cumar Finish.

Duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in si deg deg ah uu u furi doona wadooyinka Xiran” Waxaan si deg deg ah u furi doonaa jidadka kala xiran ee Magaalada Mugdisho iyadoo waliba aan adkeyn doona amniga dadweynaha iyo goobaha ganacsiga”

Sidoo kale guddoomiyaha Cusub ayaa tilmaamay in jidadka xiran la furi doono, si isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimaddu u sahlanaato, isla markaana inta uu xilka hayo aan muwaadin Soomaaliyeed xaqiisa la duudsiin doonin.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close