Ciyaaraha

Xiriirka Tababaraha kooxda Liverpool klopp iyo  Mohamed Salah oo gabi ahaanba bur- buray.

Xiriirka u dhaxeeya tababare Jurgen klopp iyo xidiga ugu muhiimsan kooxda ee Mohamed Salah ayaa lugu soo waramayaa in uu bur – baray xili uu tababaraha reer Germany wax xiriir ah la lahayn xidiga reer Masar.

Saxaafada reer Spain ayaa todobaadkii hore  sheegtay in  uu xidiga reer Masar dalbaday in uu isaga tago kooxda kadib markii uu khilaaf weyn soo kala dhex galay  isaga iyo tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen klopp.

Laakiin wakiilka xidiga ayaa saacado yar kadib biyo qabow ku shubay warkaas isaga oo sheegay in ayna waxba ka jirin wararkaas xidiguna ku faraxsan yahay  kooxda Liverpool ee uu hogaamiyo klopp.

Si kasta ha ahaatee wargayska the Sun oo soo xigtay ilo wareedyo France ah ayaa mar kale sheegay in xiriirka klopp iyo Salah ay marayso  meel xun.FBL-EUR-C1-PORTO-LIVERPOOL

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkan  Liverpool u dhaliyay 23 gool sidoo kale caawiye kanoqday  12kale 42kulan oo uu u ciyaaray kooxda Liverpool  tartamada oo dhan.Mohamed Salah

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close