Wararka

Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaca oo maanta dhoola-tus ka kasameeyay magalada Dhuusa Mareeb.

Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaca ayaa  dhuula tus ka sameeyey magalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ciidamada Daraawiishta Ahlu Sunna ayaa  Dhoolatus la xiriira Xuska guulihii ay Ahlsunna ka gaartay dagaalkii Al-shabaab ay kula  galey deegaanada bartamaha Soomaaaliya.

Degmooyinka  Guriceel iyo  Dhuusamareeb ee ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah goobaha ay dhoola tuska ku soo bandhigeen ciidamada Ahlu sunna Waljamaaca ee haatan ku biiray Maamulka Galmudug.

Sidoo kale doola tuskan ayaa looga boroor diiqayey ciidamadii  Ahlu Sunna ka geeryooday dagaaladii xooganaa ee ka dhacay gobolka Galgaduud islamarkaana dhaxmaray Al-shabaab iyo Ahlu Sunna.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug gaar ahaan kuwa ku sugan Galgaduud ayaa ku sugnaa goobta lagu soo bandhigayey dhoola-tuska iyagoo halkaasna khudbado ka jeediyey.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close