Wararka

Wasaaradda Caddaaladda oo qabatay shir wada-tashi ah oo looga hadlay arrimaha Xabsiyada dalka.

Wasaaradda Caddaaladda xukuumada federaalka Soomaliya ayaa maanta qabatay shir wada-tashi ah oo looga hadlay arrimaha Xabsiyada dalka, waxaana kulanka shir gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Abuukaate Xassan Xuseen Xaaji.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda kuunfur Galbeed Maxamed Xuseen Xassan iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guuto Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan,.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga wadda hadlay xabsiyadda laga hirgalinayo maamul gobaleedyada koonfur galbeed iyo Galmudug kaas oo dabajoogay shirar badan oo wada tashi ah oo horey looga hadlaayey arimahaha xabsiyada, waxaa maanta wadatashiga ka soo baxay in labillaabo dhismaha xabsiyadaas kuwaas oo loo kala qaadaayo dhowr wajiyo si loo dhameestiro dhismaha xabsiyadaas.Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close