Wararka

(Akhriso):Faahfaahinno weerarkii galabta lagu qaaday hoteel ku yaallo magaalada Kismayo.

Waxaa faahfaahinno dheeraad ah kasoo baxayaan weerar fiidnimadii caawo lagu qaaday hoteel ku yaallo magaala xeebedka Kismayo ee xarunta kumeel Gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland waxaana ilaa hadda la xaqiijiyay Geerida Allaha u Naxariistee wariyaal ay ka mid yihiin Hodan Naaleeye iyo Maxamed Sahal Gacma Dheere iyo waliba sayigii Hodan oo ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga Jubbaland iyo Xildhibaan ahaana murashaxa madaxtinnimada Jubbaland Maxamed Ismaaciil shakuur.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday Isbitaalka Guud ee Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka Galabta lagu ku qaaday Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo oo horay loo yaqaanijiray (Cascasey).

Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uuna Madaxweynahu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa maanta isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaadheen.

waxaa kale oo uu Madaxweynahu uu balan qaaday in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin.

Dhaawacyada ayaan wali laqayaasi karin tira ahaan balse waraysi aan la yeelanay dad ka shaqeeyo Isbitaalka Guud ee kismayo ayaa noo xaqiijiyay in lasoo gaarsiiyay tira badan oo dhaawac ah kuwaas oo ka tira batay qolalka xaaladaha Geg Deg ah iyagoo ugu danbeyntiina loo gudbiyay qaar kamida Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaalo magaalada Kismayo.

Shacabka ku nool magaalada Kismayo ayaa walwal badan ka muujiyay dhacdadaan iyadoo ay jiraan dad wali la’lasanyahay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close