Wararka

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtoyadda oo shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Amniga.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtoyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa warbaahinta la hadlay waxaa uuna shacabka caasimada ku nool ugu baaqay in ay isdajiyaan sidoo kalena ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga.

Agaasima ayaa sheegay in ciidamada ay naftooda u huraan sidii ay amaanka Caasimada u sugi lahaayeen sidaasi darteet ay lagama maarmaantahay in ay wada shaqeen yeeshaan shacabka iyo ciidamada amaanka.

Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sidoo kale warbaahinta iyo warfidiyeenada ugu baaqay in ay ka warsugaan laamaha amaanka ee iyagu ku kowlan baaritaanada sababtii ka danbaysay qaraxii shalay lagu beegsaday xafiiska Duqa Caasimada Mugdisho ahna Goddoomiyaha Gobolka Banaadir halkaas oo ay ku dhinteen Guddoomiye-yaal degmo iyo agaasime-yaal uuna ku dhaawacmaya Guddoomiyaha Gobolka Banadir Cabdiraxmaan cumar Cusmaan Eng. Yariisow.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close