Wararka

Ahmed Madoobe oo Markii  ugu horeysay warbaahinta hor yimaado tan iyo doorashadii ka dhacday Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta markiisu ugu horaysay Saxaafada la hadlay kadib Doorashadii ka dhacday magaalada Kismayo  22 Ogoosto 2019.

Axmed Maxamed Islaam ayaa  ka hadlay Doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dhawaan Jubbaland ka dhacday Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland iyo xarigii wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay Arimaha ammaanka dalka iyo Doorashooyinka 2020.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dadweynaha ree Jubbaland sida ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay socdeen isagoo sidoo kale ku amaanay Hay’adaha amaanka iyo Sarakiishooda sida ay uga soo baxeen shaqadooda sugida nabadgalyada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka kooban seddex Gobol ay laba kamid ah deeganadooda laga saaray Al-shabaab taasna ay timid kadib markii ay shacabka ku dhaqan Jubbaland  ay iyagu isku tashadeen.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close