Wararka

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kulan la qaatay qaatay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa kulan la qaatay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Annet Gunter oo booqasho ku joogta magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka ayaa looga hadlay adkeynta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo sii wadidda taageerada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya oo muhiim u ah horumarka iyo dib-u-kabashada dalka.

Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Annet Gunter, oo bogaadisay guulaha ay gaartay Soomaaliya, ayaa ammaantay dadaallada Ra’iisul Wasaare Khayre ee isugu jira dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska Galmudug, waxa ayna ballan qaaday in dowladda Jarmalku ay garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Jarmalka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ku siiyaan dib-u-hana qaadka hey’adaha dowladeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close