Wararka

Trump oo taageeray joojinta habka ceejinta ay Boliiska u geystaan eedeysanayaasha marka ay xirayaan.

Qaar ka mid ah Boliiska Mareekanka ayaa gabi ahaanba laga joojiyay in ay adeegsadaan nidaamka ceejinta  tan iyo markii uu biloowday dibad-baxyada looga soo horjeedo cunsuriyada kuwaasoo ka dhashay dilkii loo geystay ninkii madow Ameerikaanka ahaa ee George Floyd.

Floyd ayaa u dhintay kadib markii sarkaal Boliiska cadaan ah oo uu dhuunta jilibka kaga hayay ku dhabaad 9 daqiiqo.

Madaxweyne Trump ayaa waxa uu yirri “ waxa ay ahaan doontaa wax wanaagsan” in la joojiyo nidaanka ceejada balse wali waxa laga yaabaa in ay u baahan tahay dib-u-eegis lagu sameeyo”

Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump-  ayaa cambaareyn kala kulmay habkii uu uga falceliyay kici taanka dibad-baxyada looga soo horjeedo cunsuriyada iyo gaboodfalada ee Boliiska u gaystaan dadka Madowga ah iyo kuwa laga tira badan yahay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close