Wararka

Wasiirka Amniga & Ergayga QM ee Arrimaha Somalia oo ka wada hadlay Qoddobo Xasaasi ah.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” ayaa maanta Kulan Khaas ah la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James Swan.

Kulankaasi oo ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee UNSOM ku leedahay Xeradda Xalane ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen Xaalladda Guud ee Soomaaliya, Wada-shaqaynta QM iyo DFS iyo qoddobo kale.

Qoraal kooban oo uu Wasiir Islow soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxa uu ku yiri “Waxaan maanta kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay James Swan oo aynu ka wadahadalnay xaaladda dalka, Wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda Amniga Xilliga Doorashooyinka”.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close